Af Soomali

Ururka Saaxiibtinimada Finland iyo Soomaaliya

– Suomi-Somalia Seura ry

Ururkan waxaa la aasaasay 1986 dii, wuxuuna u taaganyahay horumarinta arimaha hoos ku xusan:

  • Xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Finland iyo Soomaliya.
  • Ka shaqeynta, soo bandhigida iyo horumarinta arimaha dhaqanka, taariikhda iyo luuqada Af-Soomaaliga, si dadka Finnishka ah ay fursad ugu helaan inay wax ka bartaan kana ogaadaan dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida.
  • Sidoo kale inuu ka qeybqaato hirgalinta mashaariicda xoojinaya horumarka Soomaalida ee Finland iyo Soomaaliya.
Seuran kotoutumisseminaari 2015 (kulan la qabsiga wadanka Finland 2015)

Ururku intii uu jirey wuxuu qeyb lixaad leh ka soo qaatay:

  • Horumarinta iyo soo bandhigida arimaha dhaqanka, luuqada iyo taariikhda Soomaalida isagoo ururku arimahaas kala shaqeeya madxafyada dhaqanka iyo suuggaanta ee Finnishka iyo hay’adaha iyo ururada arimahaas ka shaqeeya.
  • Ururku wuxuu gacan ka geystaa fududeynta la qabsiga soogalootiga wadankan Finland qaasatan dadka Soomaalida, isagoo arimahaas kala shaqeeya ururada kale iyo ha’adaha arimahaas ka shaqeeya.
  • Ururku wuxuu sidoo kale gacan ka geystay aasaaskii dalada Soomaalida ee Finland Somaliliitto 1995tii, sidoo kale aasaaskii dalada ururada horumarinta ka shaqeeya ee Suomi-Somalia verkosto 2004tii. Si taas la mid ahna wuxuu ururada Soomaalida kala shaqeeyaa horumarinta hawlaha ururadu ay qabtaan.
  • Ururku wuxuu ka qeyb galaa, ka hadalka arimaha ajaaniibta iyo Soomaalida si wada shaqeyn iyo horumarin ku dhisan.
  • Ururku wuxuu wada shaqeyn joogto ah la sameeyaa ururada kale, hay’adaha dowlada iyo muwaadiniinta labada dal ee jecel wanaaga iyo wada noolaanshaha.
  • Ururku wuxuu Finland ka hirgaliyaa mashaariic quseeya horumarinta arimaha bulshada, shaqo-abuurka iyo fududeynta is wax wada qabsiga Somalida iyo Finnishka. Sidoo kale ururku wuxuu Soomaaliya ka hirgaliyaa mashaariic kala duwan oo ka kaba caafimaadka iyo faya-dhowrka deeggaanka.

Ururku gacmo furan ayuu ku soo dhaqeynayaa cidii xiiseyneysa hawlaha ururka, ka mid noqoshada ururka, fikir ku soo biirinta ururka iyo sidoo kale inay gacan ka geysato horumarinta ururka.

Dhinacyada mashaariicda ururku wuxuu gacanta ku hayaa waqti xaadirkan 4 mashruuc oo labana ay ka socdaan dalkaan Finland labana ay ka socdaan Somalia. Kuwa Finland ka socda waa mashruuca Waaberi oo kaalmeeya horumarinta ganacsiga iyo shaqo-abuurka, midka kalena waa mashruuca Caawinaad oo mar dhow bilaaban doona kana shaqeyn doona wada shaqeynta arimaha bulshada iyo xoojinta la shaqeynta ururada iyo caawinta dadka uu saameeyey korona. Labada mashruuc ee Somalia laga hirgaliyo waa Ramaad oo arimaha deeggaanka wax ka qabta iyo Daryeel oo arimaha caafimaadka wax ka qabta.

Hadafyada ururka ee 2016-2020 waxaa ka mid ah:

  • Dar-dar galiyo mashaariicda horumarinta.
  • Xoojiyo xiriirka labada dal dhinaca ganacsiga iyo wax wada qabsiga.
  • Xoojiyo xiriirka wada shaqeynta ee ururada iyo ha’adaha dowliga ah Finland iyo Soomaaliya
  • Xoojinta la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah dhinacyada dib u dhiska , horumarinta iyo qalabeynta isbitaalda iwl.

Wixii wadashaqeyn ama akhbaar is-weydaarsi ah fadlan nagala soo xiriir: inf(at)suomisomaliaseura.fi

Halku dhiga Ururku waa Wada Shaqeyn, Horumar iyo Saaxiibtinimo.