Mashruuca Daryeel ee Kooxda Caafimaadka Wareega (Mobile Health Clinic)

Daryeel Afmadow/2020

Mashruuca daryeel

Mashruuca Daryeel ee kooxda caafimaadka wareega (Mobile Health Clinic), waxaa degmadda Afmadow laga aasaasay  bishii 9aad 2018. Hawlaha mashruucu qabto waxaa ka mid ah bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh sidoo kale wuxuu kabaa adeegyada caafimaadka sida:

  • Wuxuu adeeg caafimaadka oo tayo leh gaarsiiyaa meelaha durugsan iyo xaafadaha fog ee degmada
  • Wuxuu u fidiyaa adeeg caafimaad oo tayo leh dumarka, caruurta, curyaamiinta iyo dadka waayeelka ah
  • Wuxuu tababar iyo qalab siiyaa umulisooyin dhaqameedka
  • Wuxuu ka kaalmeeyaa bukaanka helida dawo tayo oo lacag la’aan ah
  • Wuxuu dadka tabarta daran ka kaalmeeyaa gaarida goobaha caafimaadka
  • Wuxuu dadka u baahan u gudbiyaa shaybaarka, talaalka, nafaqada iyo meelaha ku haboon
  • Wuxuu bulshada ka wacyigaliyaa cudurada faafa iyadoo lagu soo xirayo adeegyada caafimaadka
  • Wuxuu shaqaalaha u fidiyaa tababaro iyadoo lala shaqeynayo dowlada, ururada bulshada iyo maamulka
  • Wuxuu sameeyaa ka hortag la xiriira malaariyada iyadoo la siinayo maro kaneeco dadka ugu baahida badan

Wadashaqeynta

Finland-Somalia Association oo bixisa taageerada mashruuca waxay howlahaas kala shaqeysaa Sahal Healthcare and Development Association oo ah urur deeggaan oo gacanta ku haya maamulka iyo hagida labada mashruuc ee ururku ka fuliyo Afmadow. Mashruuca Daryeel, waxaa ka shaqeeya shaqaale u heelan hawshooda lehna xirfado kala duwan, sida labo kalkaaliye caafimaad, labo kalkaaliye kuxigeen, darawalka u wada baabuurka kooxda caafimaadka wareegta. Sidoo kale xafiiska waxaa ka shaqeeya sadex qof oo maamul ah.

Magaalada iyo deeggaanka

Deeggaan ahaan degmada Afmadow waxay ku taalaa Jubada-hoose waxayna u dhaxeysaa magaalooyinka Kismanyo iyo Dhobley. Waa magaalo qadiimi ah oo ka mid ah degmooyinkii ugu horeeyey ee Soomaaliya laga aasaaso. Magaaladu waxay ku taalaa dhul caro san ah oo ku haboon beeraha, xoolaha, ugaadha iyo nolosha bini’aadamka. Xilli roobaadka deyrta iyo gu’ga degmada waxaa ka da’a roobab xoogan, waana degmo hodan ku ah dhinaca xoolaha kala duwan ee Soomaaliya laga dhaqdo. Sida meelo badan oo Soomaaliya ah degmada waxaa saameyn weyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay iyo colaadihii, dad badan ayaana ka barakacay degmada. Xilliyadii dambe degmada waxaa ku soo laabanayey dad markii hore degmada ka barakacay iyo dad ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee Kenya iyo dalkaba. Degmada wax badan ayaa iska badeley sanadaddii dambe dhaqaalaha iyo nolosha dadkuna waxay aheyd mid soo kobcaysa. Bishii sagaalaad ee la soo dhaafay degmada waxaa ka dhacay kulamo taariikhi ah oo degmada loogu doortey gole deeggaan iyo gudoomiye iyo kuxigeen.

Waqti xaadirkan degmada waxaa ka socda horumar iyo yididiilo dadku ay ku doonayaan inay wax qabsadaan oo ay horumar sameeyaan. Finland-Somalia Association waxay degmada ka shaqeyneysay ilaa 2011 xiliggaas oo ay bilowdey iney taageero u fidiso MCH ka degmada oo markii dambe lagu wareejiyey wasaarada Caafimaadka ee Jubaland. Sidoo kale laga soo bilaabo 2014 ururku wuxuu degmada ka hirgalinayey mashruuc khuseeya dib u soo celinta deegaanka kaasoo sanadkii bixiya ama talaala ilaa 10 kun oo geed. Mashruucan wuxuu suurogaliyey in degmada guri walba in la geeyo geed degmadana maanta ay tahay mid ku naalooneysa geedo aad u badan oo mashruucu ama talaalay ama bixiyey (guri, wado, suuq, xafiis iyo iskuulada) intaba.

Muhiimada mashruuca

Su’aalo weydiin uu mashruucu sameeyey 2019 kii waxaa ka soo laabtay in dadka ka faaiideysta mashruucu ay u arkaan mid wax badan ku soo kordhiyey degmada iyo caafimaadkooda. Dadkii ka qeybgalay su’aalo weydiintaa waxaa kale oo ay xuseen in dawooyinka iyo tasiilaadka ay ka helaan mashruuca ee lacag la’aanta ah in ay yihiin kuwo tayo leh. Dhinaca yareynta cudurada faafa mashruuca Daryeel isagoo ka duulaya baahida loo qabo maro kaneecooyinka gaar ahaan dadka danyarta ah, mashruucu wuxuu suurogaliyey qeybinta dhowr boqol oo maro kaneeco, iyadoo ahmiyada la siinayo dadka aan iibsan karin. Sidoo kale mashruucu wuxuu wacyigalin culus ka sameeyaa dhinacyada ka hortaga cudurada faafa, nadaafada iyo muhiimada in dadku ay ku xirnaadaan adeegyada caafimaadka ayna yimaadaan marka ay xannuun isku arkaan. Isla sanadka 2019 guud ahaan dadkii ka faa’iideystay adeegyada mashruuca waxay ku dhowaayeen 5700 qof oo kala ahaa caruur da’adoodu ka yartahay 12 sano, hooyooyin uur leh, kuwo nuujinaya, curyaamiin iyo dad waayeel ah.

Waxyaabaha la taaban karo ee mashruucu uu degmada ku soo kordhiyey waxaa ka mid ah kooxda caafimaadka wareegta (Mobile Health Clinic) oo wadata baabuur iyo dawooyinin tayo leh. Sidoo kale mashruucu wuxuu soo kordhiyey wacyigalin dhinaca caafimaadka, wada shaqeyn iyo adkeynta isku xirnaanta hay’adaha iyo dadka ka shaqeeya caafimaadka. Mashruucu wuxuu deganyahay xarunta Ramaad (mashruuca deeggaanka, dhireynta iyo ka hortaga xaalufinta) kaas oo ay taageerto Finland-Somalia Association iyo wadanka Finland. Labada mashruuc wada shaqeyn xooggan ayey ka sameeyaan dhinaca wacyigalinta arimaha deeggaanka, yareynta jarida geedaha iyo maareynta qashinka iyo horumarinta caafimaadka.

Dhinaca xaalada korona (covid-19) Afmadow xaalkeedu wuxuu ahaa in mudo ah mid wanaagsan, asbuucyadii la soo dhaafay waxaa soo baxayey in magaalada laga helay bukaano covid-19 kuwaas oo loo fidiyey adeegyo caafimaad qaarna loo qaaday magaalooyinka kale ee dalka si loogu soo dabiibo. Arinka covid-19 mashruucu aad ayuu isaga xilsaaray isagoo shaqaalaha loo sameeyey wacyigalin sidoo kalena la suurogaliyey inay helaan agabka sida af-shareerka, gacmo-gashiga, iyo alkolada gacmaha la mariyo. Sidoo kale mashruucu wuxuu arinkaas wacyigalintiisa si wanaagsan ugala shaqeeyaa maamulka, waaxda caafimaadka iyo ururada. Xaaladana si dhow ayuu mashruucu ula socdaa iyadoo dadka laga wacyigalinayo inay digtoonaadaan isla markaasna in la is dhowro haddii qofku hargab dareemo.

Waxaa loo soo mahadcelinayaa Finland-Somalia Association, maamulka degmada, waaxda caafimaadka, ururada bulshada iyo dhammaan inta gacanta ka geysata hawlaha mashruuca.

Shaqaalaha Mashruuca Daryeel

Seuran toimintasuunnitelma ja strategia nyt luettavissa

Kuvitusbanneri tekstillä Sillanrakentaja Suomen ja Somalian välillä.

Suomi-Somalia Seuran hallitus yhdessä työntekijöiden kanssa on työstänyt ensi vuoden toimintasuunnitelmaa ja Seuran strategiaa vuosille 2021-2025. Alla linkit dokumentteihin.

Strategia 2021- 2025

Toimintasuunnitelma 2021

Monimuotoisuus työyhteisössä vaatii tukea molempiin suuntiin

Ryhmäkuva panelisteista, juontajasta ja järjestäjistä.

Hyvälle työlle paras tekijä – webinaarin asiantuntijapuheenvuorot loivat myönteisen kuvan suomalaisen työelämän avoimuudesta ja halusta tukea työelämän monimuotoisuutta ja monikulttuurisuutta – varsinkin aloilla, joilla on työvoimapulaa. 

Kokosimme tähän muutamia keskeisiä pointteja Arto Mankisen (Stadin osaamiskeskus), Riitta Juntusen (SAK) ja Sanna- Mari Nymanin (Pohjolan liikenteen HR) puheenvuoroista sekä paneelikeskustelusta, johon osallistuivat Nina Meincke (S-ryhmän HR-johtaja), Pinja Grönholm (SDO erityisopettaja), Sadiyo Hassan (päiväkotiapulainen ja nuoriso-ohjaaja), Akram Farah (sosionomiopiskelija) ja Katja Leppänen (EK, juristi). 

  • Tutkimuksen mukaan myönteisimpiä maahanmuuttajia kohtaan ovat ne, jotka ovat itse työskennelleet maahanmuuttajien kanssa. Naiset ovat keskimäärin miehiä myönteisempiä. 
  • Osa työnantajista on jo tehnyt lukuisia toimenpiteitä maahanmuuttajien perehdyttämisen helpottamiseksi, esimerkkinä selkosuomen käyttö viestinnässä ja ohjeistuksessa, keskeisten ohjeiden kääntäminen työntekijöiden kielille ja ryhmämuotoiset kehityskeskustelut. 
  • Maahanmuuttajataustaiset työntekijät koetaan ahkerina ja joustavina – tosin tätä joustavuutta saatetaan välillä käyttää myös hyväksi. Maahanmuuttajataustaisilla työntekijöillä on tarvetta tiedolle omista oikeuksistaan työntekijänä, esimerkkinä perhevapaat tai työsuhteiden määräaikaisuuden perusteet. 
  • Maahanmuuttajataustaiset työntekijät tarvitsevat usein tietoa suomalaisen työelämän pelisäännöistä ja suomen kielen opetusta oman alan sanaston osalta. 
  • Kantasuomalaiset työntekijät tarvitsevat rohkeutta puhua englantia tarvittaessa, selkosuomen taitoa ja tietoa eri uskonnoista ja kulttuureista.  
  • Työnantajat kaipaavat tukea monimuotoisen työyhteisön kieli- ja vuorovaikutushaasteisiin. 
  • Työnantajat tarvitsevat helposti saavutettavaa tietoa rekrytointia, perehdytystä ja monimuotoisen työyhteisön toimintaa tukevista tuki-, ohjaus- ja koulutuspalveluista. 
  • Työllistymispolkujen kuvaus ja konkretisointi auttavat sekä työnhakijaa että rekrytoijaa
  • Monimuotoisuus, sallivuus ja hyväksyvyys työyhteisössä on kaikkien etu. Monimuotoisuutta on monenlaista ja osa on esimerkiksi elämäntilanteesta tai sairaudesta johtuvaa. 
  • Yritysten hyvien käytäntöjen dokumentointi ja onnistumistarinoiden esille nostaminen on yksi tapa edistää työelämän monimuotoisuutta. 
  • Oikeanlainen tuki ammatinvalintaan on tärkeää maahanmuuttajille, jotta he löytävät todella itseä kiinnostavan ja itselle sopivan ala. Tämä motivoi ja auttaa työelämässä monella tapaa. 

Webinaarin yhdeksi johtopäätökseksi tuli, että myös työnantajat tarvitsevat tukea rekrytointiin, perehdytykseen ja monimuotoisen työyhteisön hyvien käytäntöjen kehittämiseen. Tätä tukea on saatavilla, mutta sen löytäminen voi joskus olla vaikeaa kentän pirstaleisuuden vuoksi.

Kokemusasiantuntijoiden puolelta nousi esille mm.  avun pyytämisen taito: On tärkeää osata pyytää apua ja neuvoa, jos ei osaa tai ymmärrä jotain asiaa tai jokin epäkohta mietityttää.  Esimiehet ja perehdyttäjät ovat sitä varten. 

Kiitokset hyvästä yhteistyöstä vielä kaikille puhujillemme, panelisteille, juontaja Salvador Alogolle sekä yhteistyökumppanillemme Sovinnolle. 

Linkit kampanjahaastatteluihin:

Sosionomiopiskelija Akram Farah “Esimiehen tuki on tärkein.” 

Erityisopettaja Pinja Grönholm “Yhteinen tavoite on paras tavoite.” 

Suomen Yrittäjät Aicha Manai “Kaikki lähtee representaatiosta.” 

Linkki webinaaritallenteeseen: https://fb.watch/1ry8VmExX_/